Meherkaagii Hoo

aminawehelie:

Maqaalkani waxaa lagu qoray markii uGu horeysay, Maidhane BLOG, Mukhtaar Maydhane waa qoraa Soomaliyeed oo ku nool wadanka Canada, wuxuuna qormadaan uga jawaabay qorme hore oo aan aniga oo ah Amina Muuse Weheliye qoray una bixiyey Maherkeyga I sii.
Xuquuqda qormadaan waxeey u dhowran tahay, qoraa sare: MAYDHANE.

Originally posted on Maidhane:

Qormada Aamina Muuse Weheliye ee magaceedu yahay  Meherkayga i sii waa qumbulad ku dhex qaraxday bulshada Soomaaliyeed wakhti ku haboon. Halkan anigu dib ugu celin maayo wixii Aamina sheegtay, laakiin waxaan jecelahay inaan ballaadhiyo soohdinta ay ka hadashay. Ballaadhintaasi waxaan u arkaa inay lama huraan u tahay helitaanka qoys wanaagsan oo unug u ah bulsho isku tolan.

View original 1,627 more words

By aminawehelie

MARKII LAGUU BOGABA, BOOD-BOOD (Sheeko gaaban) Waxaa qortay: Amina Muuse Weheliye

Image

Ka dib markii uu waxbadan ku xiiqay qurbaha, ayuu is yiri waa tan dadku wada duday, oo dalkii u irsaaqad doontaye bal adna nasiibkaaga tijaabi, Duulle ma heysto lacag uu ku maalgashado dalkii hooyo, faciis qaar hoteeleey dhisteen una bixiyeen magacayo qalaad, kuwo kale maqaayado ayeey abaabusheen, qaar kale guryo dhisid iyo sii gadid ayeey ka bixi la’yihiin, laakiin isagu ka dib sannado badan markuu dhex jeeqaaqay fadhi-ku-diriryada isagoo billaa camal ah, dhowr kale-na uu taxi ku dhex waday magaalo weynta London iyo agaagaaraheeda, dhowr sanno oo kalena xabsi ku jiray inta canshuur uu la dhuuntay lagu qabtay, dhowr kalena uuba jahawareersanaa oo meel uu afka saaro la’aa ka dib markeey xaaskiisa is qabteen, oo ay calalada banaanka u dhigtay, tiro ka dhowr jeerna guriga ka saartay, ayuu mar dambe ilaahey wax ku soo riday.

 

Wuu kacaamay markuu arkay qaar isaga ka sii liita, ooy ku jiraan kuwa wuxuu falay ka daran falay, faylal waaweyna ay ka yaalaan diiwaanadda booliska iyo waaxyaha cadaaladda ee wadankan shisheeye oo uu ku noolaa mudada dheer, oo jagooyin loo magaacaabayo, amaba ay soo yeereyso warar in loo dheg-taago  haboon tahay, oo ah hebel jufadiisii baa sharaxatay, hebel waxaa laga dhigay xildhibaan, hebelna waa xil-suge, hebel wasiir buu rabay waase waayey waxaase lagu sasabay agaasime guud, IWM ayuu ku fekeray bal waxaa kaa reebay duulkan wada dhaqaaqay, waana kaa wadankii u sii xir-xirtay.

 

Laakiin iskama tagine, si fiican buu u tabaabusheystay, isagoo  daliilsanaya qaar isaga ka sii horeeyey oo talooyin wax ku ool ah u soo diray, ka dib markii ay sideey rabeen wax u noqon waayeen, madaxnimona heli kari waayey, kulligoodna ma ahee, waa kuwii ay isla barjeyn jireen, saxiibo iskuma jiraan, marka arrimaha qaarkood gorodda lala galayana cid kasta talo lama weydiisto e, iyana kuuma sheegta e, soo gaabiyoo, waa saxiibo mirqaan hore, xiriir qoto dheer baa ka dhaxeeya, sidaad darteed nafteey isu bixiyaanoo, waa isku dano-rugtaane, iyagaasaa la soo taliyey.

 

Bal qabsoo isagoo taladoodii ku jooga, ayuu tallaabo-tallaabo u yeelay wixii ay ku soo talo bixiyeen:

Ugu horeyn iibso, dhowr isku joog oo holcaya ( Qatar ah) iibsay ,Diyaar FIG.

Yaaneey kaa kala dhinaan dharkuye, jaakaddii, shaarkii, garabaatigii (TIE-GII), kabihii (Weliba kuwa fooda u dheer  birtana ku sita afka hore), barafuunkii, intaasina waa diyaariyey FIG.

Maxaa ku xigga:

Laxiriir wariye tolkaaga ah oo TV ka shaqeeya, tasaa xogaa yara dhibtay, waayoo tolkiisa wuu ka dhex garan waayey kuwan wada suxufiga ah, laakiin muddo markuu daydayaayey ama heyb-heybshay waa soo helay, weliba qaar macangag ah, taasina diyaariyey  FIG

Waa ka socday oo Faro kama qodna Faanoolee, xaa xiga hee??

Haaheey sharuurkii TV-ga lagu laaluushi lahaa, kaasna waa ku yara dhibtooday, markii dambase islaantiisaa Nuurtaa ka furatay, oo ugu lab qaboojisay in eey hagbaddii ay ku jirtay oo aay lugteeda dhowaan qadaneyso ka bixin doonto laaluushkaan baas iyo tikitkaba, Ilaaheey jecelaa ninkan Duulle ah, taasina waa diyaariyey FIG.

Ilaahoow saxiibadiis ha ka qaadin, waa kuwa talada fiican siiyee,  haye xaa heray hadana???

Sida loo hadlo oo doodaha loo diyaariyo, loo kariyo, loo bisleeyo loona soo dajisto, ka dibna loo cuno, iyadana talooyinka ka siiyey kuwa ugu culus beey ku jirtay, in odaygu dhankaasna iska tiiriyo, waxaana weliba looga digay, in doodaha taleefishanadu aneey la mid ahayn kuwii uu xariifka ku ahaa ee fadhi-ku-diriryada, maxaa jira dheh?? Kuwaas cantarabaqash kasta oo uu yahay waa ka dhex qeylin jiray, mana lahayn dawadayaal indha ku soo togaaya, laakiin kuwaan , heedhe kuwaani, ma ahan ciyaar-ciyaar, waa taleefishan dhan, waa aalad la iska arko, afkaaga iyo inta ka dhex leh lugtaada waa la deymoonaa, ayaa lagu yiri, tolkana siduu kuu jeclaado, xariif iska dhig oo yaan lagaa badina waa loogu daray, maadama aad iyaga matali doonto hadhowto jagada dambe ood u daalaa-dig leedahay, marka takhasus iyo dadaal dheer ah beey rabtaa, taasna waa diyaarshay, in kastoo aneey sahlanayn.

Laakiin wuxuu sameeyey? dhowr habeen ayuu inta dhowr majin oo jaad ah ka laacay, gurigiina u soo hoyday xilli aan sanooyinkaanba looga baran in uu soo hoyaado oo fiidkii ah, ayuu isalaantiisii yiri, Nuurto iga dhageysto, Nuurto duca-qabtana waa ka dhageystay, SAN AHAY? SAAN U HADLAY? MA U QALMAA IN AAN CODKA CIDDA KU HADLO? Ayuu dhowr jeer ku wareeriyey islaantiisii inteey faaf-reebeysay, huri meysee, XAAJI DHAG-DHAG BAAD TAHAY ayeey ugu laab-qaboojisay. Marka taasna waa FIG.

Maxaa dhiman, alla fara badanaayeey!!! Intaas uu howshaas culus ku jiray iyo karuudkaas (TABABARKAAS) wuxuu ku dhex waday taleefoono badan uu uu dirayey oday dhaqameedyo tolka ah oo howlshoodu tahay in eey rijaalkan qabiilka u sharaxaan, una sheegan kuwa dowladda ah in aneey kub iyo kush lahayn ilamaa DUULLE RAGEEDI wasiir laga dhigo!!!

 

Aadaale aadaale, howshaasi markeey in badan socotay waa kan Duulle isku sii daayey diyaaraddii,  basaboorkiisu ma ahan mid ciyaar-ciyaar gala, waa kii gaduudnaa (Casaa) ee jeebka kore muggii looga jeedo la iska garanayey British-nimadiisa, ka wareega hortiisa, ninku waa INGIRIISE, cidii kaas aragtaaba juuq dhihi meyso ayuu aaminsan yahay.

Kulli arrimahaan oo dhan Duulle waa kala tashaday xaaskiisa Nuurto-nafta-u-roon, laakiin mid baanu u sheegin, damaca hoose oo ku jira markuu Xamar cadde iska xaadirsho, rag badan oo arrintaas sameeyey ooy u fushayna waxeey ka mid yihiin kuwaan la talinaya oo baladkii hortiis tagay, ragaasna waa in uu iska bareejeeyo,  waa haddii qorshaha A u fuli waayo, in uu fushado qorshaha B  oo maxay ah? Guryihii uu reerku horey uga soo cararay in uu  ceeriinka ku gato, mana dhisnaba, waa boosas jajaban, laakiin maacaleesh, waxey u gooyaanba, in uu kan-yasir dhaho, gabar yar oo bikra ahna guursado oo sidaas ku minyareysto, alla ninku tallo fiicanaa, awoowgii baa tallin jiray, weliba guursigaas dambe wuxuu sii jecleystaa markuu xasuusto inta jeer oo horey Nuurto guriga iga saartay.

Dulle nin ciyaaraya ma ahan, inta islaantu hagbaddii u mashquulsanayd iyo dumarkeey shuraakda ahaayeen ku lahayd (NAA IIGU SOO DHAQSADA ODAYGII BAA II DHOOFAYA OO AQALLADII AANU KA SOO TAGNAY SOO RINJIYEEYNAYEE)  oo  iyadaba ma dooneyso in ninkeeda gacaloow-ga ah wuxuu u tagayo oo dhab ah ay dumarka uga shekeysee, oo taasi dee waa isiroo waxey rabtaa in eey hadhowto dumarka ay xafiiltamaan uga naxsato (XAJIGII BAA WASIIR LO MAGACAABAY) isagana  waa Duullee, wuxuu ku mashquulsanaa in uu waraaqaha lahaanshaha dhulka (Soborloogooyinka) guriyihii sii dhaqaaqsado.

Saxiibkii oo dukaan afar iridood ah ku leh bartanka London ayuu u geystay, intaasna hoostuu ka duceysanayaa, salaado anuu waligiis dukan waa dukanayaa, wuxuu habeenkii ku calwasaadayaa, (Maxaad dalbataa? Wasiirka Dhul-cabirka? May taloow kaasi armaa laga wanaagsan yahay, Ka waran kan gaar-gacannada?? I-iih, aar ka daa, kan dad-kicinta?? Waxaasuu kala shaandheeyaa, si kale uma taqaanide intuusan dhoofin waa shuuqay Dhuulle, kii feker ahaa ayaa kow ka siiyey, xulustii waa ka yaratay, yeelkeed dee, ha yaraataba, markuu beledkii iyo dhulkii tago ayuu caano faresh ah iyo neef saakay la biriiyey beerkiis, kurus geel iyo hilbihiis oo  la isku kalaankalay, suusac iyo dhay, koostaato iyo arasota, baasta saldaato iyo Al-foorno ka dhergi doonaahe, iyadaa dib u soo dhalan doonta xulustuna sidi tuurkii, waase in uu howshaa oo dhan iska dhameeyaa horta, raaxo ha u dambeysee, wuxuu kaloo maanka ku hayaa, milicdii, ama milicdii dhulkii hooyo oon wax loo dhiga jirin, in uu janno geli doono ayuuna ku taamayaa.

Gaba-gabadii markii la gaaray oo wax kastaba soo idlaadeen waa kan tagay, dhoofay, bareeki buubtooy (Diyaaraddii raacay) Xamar cadde kaga degay, wuxuuse arkay wax anuu fileynin.

Horta wax kaleba daaye, odayadii markii uu qancin waayey, lacagtii laaluushkana ku yareeyey waxay u sheegeen in heshiis hoosaadkii anuu sidiisii uga soo dhalaalin, waxeyna kaga naxsadeen in booskiisiiba ay geeyeen ku kale oo isla cidda ah oo ay isaga sadex oday kala tirsadaan, intii bixiyeyna afar jibaarkeed bixiyey,  markuu intaas maqlay ayuu ciil dartiis burqaday, wuxuuna dabada u qabtay oo odayadii dhegahooda kaga diryaanshan juhdigii uu geliyey in uu siyaasada ku biro, wuxuu u sheegay oo uu u tana-taneeyey inta qarash ah oo uu bixiyey una huray in hamigiisaani u hirgalo, wuxuuna ku tag-taagasaday sida ay uga go’an tahay in uu ka mira dhaliyo doonistiisa, waxba uma jilcin duqowdii, isna waxaa loo sheegay sida uu tacbaan u yahay iyo sida ay isugu dayeen in eey dhisaan, sida ay ugu dadaaleen isagoon shahaado qur ah xitaa tan xoola raacistaba allaha ka dhigee heysan sideey u baleen, isuguna dayeen in xilka loo diyaarsho, sida loo  falisay oo looga badiyey, sida looga saqaysan yahay iyo sida markaan oo uu muraad leeyahay mooyee in xitaa loo xasuusto in waligiis anuu horey saanui u bixin jirin qaraanka tolka iyo jufadda kuu ka dhashay, waxaa la xasuusiyey sida dhowr sano ka hor markii qabiilku dagaalka qaraar kula jiray kuwii kale eek u soo duulay uu u sagsaagay in uu gacan ka geysto, qarashkii la rabay in lagu iibiyo, baabuurkii cabdi-bilaha ahaa ee la doonayey in qoriga SUUGA ah lagu rakibay, sida anuu tolka u garab qaban xili dhibaato,  wax kale daaye in anuu xitaa ka qeybqaaday lacagtii rasaasta lagu iibiyey,  wax badan ayaa isna dhegtiisa lagu shubay, markuu intaas maqlay oo misna yaqiinsaday in dadaalkiisii oo dhan uu hal bacaad lagu lisay yahay, ayuu ciil dartiis la boodbooday, odayadii oo yaabay oo indha ku soo taagaya xitaa kama xishoonin, aad buu bootinta u dheereeyey, mar qur ah ayuuse ka war helay, QABSHAX, show sariirtii baaba jabtay, wuxuu ku toosay xaaskiisii oo ku qeyniyeysa oo leh, DUF KU BAX, WAR MAXAAD SARIIRTA INOOGA JABISAY, hadduu eegay Islaantii dhulkeey taalba oo shamiitadii bay ku dhacday, cabaar yar ka dhibna, waa ka jaf-jafatay  saani beyna u  istaagtay waxey u tiri si hal-haleel leh: NAGA SEEXO CARUURTA HANAGA SASININE, JOODARIGANA KA ISTAAG AAN DHULKA DHIGEE WAA ADIGA SARIIR LA’AANTA NA DHIGEE.

Indhaha ayuu marmartay, miyirkuna wuxuu u soo galay si tartiib ah, show Wuxuba waa riyo, intuu yaabay, oo cowdi bileystay macaawistii isaga qudhiisa ka siibatayna soo ceshtay, si fiicana u duubtay, ayuu hoosta ka yiri: belo waa tanoo kale, war bal tan i qabsatay eega, WAABA MARKII LAGUU BOGABA BOOD-BOOD.

DHAMAAD.

FOOJIGNAAN:

(Sheekadan iyo magacayada ku jiraba waa mala-awaal, cid gar ahna loolama jeedo, waxaa qoruhu ku iftiiminayaa, sida dadka qurbaha ku nooli qaarkood ugu hanqal taagayaan in eey xilal siyaasadeed ka qabtaan wadankii, iyagoo hadana aan qurba-joog-nimadaas mooyee, lahayn aqoon gaar ah, balse ku tashanaya in eey ku helaan jagooyinka qeybsi qabiil.)

By aminawehelie

NOLOSHII FILIMADA (QEYBTA 2-aad) DARXUMO & DAAHIRA

Image

Nolosha waa hadba sidaas ka dhigato, laakiin marnaba kama dhigi kartid qiyaali, waayoo ma kaa yeeleyso in aad iska yeel-yeel ku noolato, waa duni dhib badan oo dadku wada gulfinaayo, nin aan gulufkaas ka qeybgelina sahal iyo sirbad la’aan kuma noolaado.

Dad badan ayaase nolosha u qaata in eey tahay mid iska sahlan ama u noolaada sidii in aaneey adduunyo joogin, sidii in aaneey masuuliyadi saarneyd, sidii in aaneey aakhira jirin, sida in aaneey xisaab jirin, waxooduna waa wax iska cun, wax iska gunto, wax iska dhal, wax iska guurso, wax iska fur, wax iska qaado, wax iska dheh, wax iska diid IWM.

Bal ila eega nolosha  DARXUMO iyo DAAHIRA, waa dariska qoyskii aanu noloshooda ku soo sheegnay qeybtii hore shekadaan NOLOSHII FILIMADA, Diiriye iyo Diidan, akhristoow waa laga yaaba in magaca oday-ga dhan ee reerka ee  DARXUMO loogu yeerayo kaaba nixiyo marka hore ileyn magac qof weyn loogu yeeraba ma ahee, balse haa, waa sidaas magaciisa, waa DARXUMO goor hore iyo intii dhulkii hooyo iyo mid ka sii shisheeyaba uu joogay ayeey u baxday.

Somalida inta anuu burburku ku dhicin waxeey u safri jireen dalal kooban, ma ahan sida ay iminka yihiin oo ilaa iyo cirifka waqooyi ee dhulka dadka gaagaaban ee ISKIMOSKU ku nool yihiin, haddii la tago laga helaayo qof soomali ah.

Safaradoodu ma ahayn kuwo magangelyo-doon ah badankoodu, laakiin waxeey la xiriireen, waxbarasho, shaqo (MURUQ-MAAL), tababaro gaagaaban oo shaqaalaha dowladda loo diro iyo ganacsi (BEEC-MUSHTAR).

Soomaalida u dhoofta Yurub xilligaas waxaa ugu badnaa oo ay aadi jireen INGIRIISKA iyo TALYAANIGA oo iyagu ah laba wadan oo Soomaliya gumeystay, dhoofkoodu marka laa reebo tiro badmaaxyo ah oo maraakiib eey ka shaqeynayeen ku tagay halkaas ama askar xilligii gumeysiga ka barbar dagaalantay ciidankii dalalkaas dagaalkii aduunta ee labaad, markii uu dagaalku dhamaadayna la dajiyey wadamadaas haba ugu badnaadee Ingrisiikuye, mooyee inta kale dhoofkoodu wuxuu isugu jiray kuwo loo diro waxbarasho, Jarmalka, Jokeylafaakiya iyo Ruusha iyaguna badankood waxeey ahaayeen dalalka ay dowladdii hore u diri jirtay shaqaalaheeda , saraakiisha ciidamadda, shaqaalaha warfaafinta IWM, Hindiya iyo  Carabaha iyagana waa loo dhoof tagi jiray, waxaana loo aadi jiray ganacsi, shaqooyin xoogsi ah iyo waxbarasho, dalalkaan kor ku soo xusay iyo kuwo kale iyagana waxaa loo aadi jiray caafimaad ciddii awoodda,  balse waxeey dalalkaas oo dhami ka sinaayeen in aan aad looga welweli jirin dadka u dhoofa, laakiin kuwa u dhoofa Bariga Afrika waa laga welweli jiray (WAA XILLIGAASE)  waxaa xitaa jirtay figrad Somalidu iska dhaadhicisay oo ah in qofkii BARIGA AFRIKA u dhoofaa siduu wax u ged-gedinayo ay marka dambe isaga la gadoomeyso wax kale oon ganacsi ahayn oo dhulkaas loo tagi jirayna maba jirin)   ma hubo laakiin waxaa dhici karta in ay tahay mid ka mid ah halka ay ka timid maahmaahda  Soomaaliyeed oo oraneysa: WAX GED-GEDDI WAX HAKULA GADDOOMAANEE.

Hadaba odayga qoyskaan oo ay sheekadu ku saabsan tahay ee DARXUMO isaga iyo magaciisa iyo dhaqankiisa gurracan oo sheekadu iftiimin doontoba halkaas ayeey ka soo bilowdeen, oo wuxuu ku jiray Soomaalidii laga welwelay markii eey BARIGA AFRIKA (East Africa) ku ambadeen,  macnuhuna ma ahan in dadkii Somaliyeed ee EAST AFRICA u wada dhoofay wayadii hore kulli wada ambadeen, balse DARXUMO isaga wax qaas ah ayaa la gadoomay.

Isagoo wiil yar ah ayuu tagay, deetana wuxuu horey iyo gadaal u raaci jiray baabuuro is-jiid ah oo nin adeer u ahi leeyahay oo OOMADA dharka lagu mayrto, caleenta shaaha , dacas, subag-buuraha ee rootiga la marsado in alaabo kale oo nooca bagaashka loo yaqaanno u kala gooshin jiray wadamadaas Bariga Afrika soona gelin jiray xudduudda Soomaaliya.

Balse Darxumo oo hooyadii markii hore ula baxday DAAHIR  kuse sifoobi waayey magacaas, wax kale ayuu arrimihii ku labay, horta isagoo inan yar ah wuxuu bartay JAADKA (QAADKA) oo isagu waligiisba dhulkaas hodan ku ahaa  (Waaba-na xilli quud owliyaad loogu yeeri jiree) wuxuuna ku daray waxyaabo kale oo ka sii waaweyn, calaa kuli xaal waa xargo goostay, dibjir buuna isu badalay, sidaasna wuxuu ku hantiyey magacaan DARXUMO.

Darxumihii nocaas ahaa ayaa iminka ka dhex shekeynaya Maqaayado Soomalidu xanta u tagto iyo fadhi-ku-diriryo caasimadda Ingriiska ee LONDON ku yaalla, maqaaxiyadani waa kuwo inta badan,  laga abaabulo niyad-xumadda dadka Soomaliyeed ee qurbaha ku nool, kala fogeyntooda, iska hor-keenkooda, isku-dirkooda, howlo kale oo intaas ka badanna waa qabtaan, maqaayadahani qaarkood (Kulligood ma ahee) waxaa ku jira kuwo xaruumo u ahaa uruurinta qaraanka qabyaaladeed, ee wax badan lagu huriyey dagaalladii sokeeye ee Soomaliya holciyey, dambi mooyee wax kalena badankood lagama kororsado, (Ciddii dambi u garateeyse dambi u tahay).

Xaaska DARXUMO, waxaa la yiraahdaa DAAHIRA,  iyada iyo magaceedu waa is leeyihiin, waa gabar maskiinad ah, oo caruurteeda iyo  gurigeeda ka adag, caruurta Yurub lagu dhalo ama lagu koriyo haba ugu sii darnaadeenee kuwa Ingriiska oo sidii xoolihii loo raaco aroortii, sidii xoolihiina loo soo xero-galiyo habeenkii iyadaa iskuulka u daadgureysa, hadhoowtana ka soo daadgureysa, iyadaa dhaqtarka geysa markeey xanuunsadaan, xitaa haddii cudur saf-mar ahi oo caruuraha wadanka ku nool oo dhan ku dhaca uu haleelo, in eebbe daris iyo dad qaraabo ahi u bixiyo mooyee, AW-DARXUMO waxba kuma taro.

DAAHIRA, intii karaankeeda ahi waa dadaashaa in tabari u diido mooyee, waxeyse noqotay garab iyo gacal la’aan, gucleyskii ka dhamaa ninse faro kuma heyso, waayoo isagaan u oolin si faro loogu hayo, waa dowdar aan waxba kala jecleyn, shaqadiisana waxey ku kooban tahay oo uu si buuxda (FULL-TIME) ah uga shaqeeyaa, maqaayadaha xanta iyo calool-xumadda, in uu fadhi ku diriryada ka qalaado, in uu gabdho yar-yar oo uu awoowe iyo abuulan u noqon karo oo reerahoodii iskuulo u soo dirsadeen oo Soomali  ah, wadooyinka u istaago oo xod-xodasho ku dayo, in uu dhega-dhegeeyo  wax uu siyaasad u yaqaano oo Wadankii ka jira iyo in uu hurdo isagoo aan meyd wax dhaamin mooyee, howl kale ma qabto.

Markii dhanka aqoonta loo soo noqdo wuxuu garanayaa dhowr erey oo Ingriisi ah, dhowr Talyaani ah, dhowr Kiswahili (SAWAAXILI) ah iyo kuwo kale oo aan la garanin luuqado eey yihiin  iyo cidda ku hadasho toona, isaguse uu ku sheego, waa Shiineys, waa Filibiines, Waa Taiwanes, waa Hundureys, waa Nicraguwaaneys IWM, tariikhdana laguma hayo meel uu cag ka saaray qaradda ASIYA, oo waligii intii taqaana waxey ogtahay in uu AFRIKADAAS iska war-wareegi jiraye, isagase sidasuu ku doodaa, Eebbaa runta og.

Caruurtiisa iyo xaaskiisa waa dayacay si cad, haddii dayaacaddu ahaan lahayd wax la isku qiimeeyo oo shahaadooyin la isku siiyana, wuxuu noqon lahaa kan ku qaata  BAJEELAHA ugu weyn.

Wax uusan dayicin ayaase jira, waa u doodida tolka iyo qabiilka uu ka dhashay, wuxuu ka yahay libaax soo fadhiistay fadhi-ku-diriryada, rag uu dood la galay waligood kagama guuleysan, mana xishoodo wuxuu doonuu ku hadlaa, xanta siyaasadda dhulkii hooyo oo dhan isagaa tana-taaneeya, siduu u kala dhigdhiyana waa yaabtaa, 24 saacadood  wax aan dhameyn 6 sacadood ayuu gurigiisa ka joogaa, tabar iyo tigaadna kuma kordhiyee, lafihiisu u daneystaa.

Saacadahaasi koobani waa mar uu xaaska kaliilayo, mar uu rashin ay ducaqabtadii uu qabay ee DAAHIRA ku farayareysatay si wacnna ugu diyaarisay uu cunayo, mar uu dhar ku uskagoobay iska badalayo oo xiranayo mid xaaskiisu u dhaqday, u kaawiyadeysay una carfisay, qalaas, waaba intaas.

 waligiis iskuulka caruurtiisa ma tagin lagamabana yaqaano, wax kale iska daaye haddii wax degdeg ahi ku dhacaan xitaa diwaanka uguma jiro (as e next of keen) dugsiyada caruurtiisu wax ku bartaan, waligiis isma weydiin wixii xaquuq ah ooy ku lahaayeen xaaskiisa iyo caruurtiisa, casaba warkoodaba daa, dib-na iskuga noqon oo kama fekerin bal in uu gudanayo waajibaadkii aabbanimo, xaasnimo, muwaadinimo iyo mid kaleba toona, salaad ma tukado, Ramadaankana dadkuu ka maq-maqlaa WAA SOON QAAD! Iyo waa dhashay Ramadaankii, ka dibna waxaa ugu soo xigta waa ciid IWM, xalwadda reerku soo gatay ee yowma faraxa loogu talagalayna haddii mar mar ku soo beegmo (Isagaanba soo jeedin xilli reerku wada joogee) dhankiisuu marmar ka taabtaabtaa, laakiin in uu dhunxiyo mooyee, kama haqab beelo karo, waayoo ilko iyo gowso uu ku ruugaaba uma harin, JAAD baa ka daadshay.

Dhanka kale wuxuu ilbax darran ku yahay (Waa siduu isu heystee) kala xulidda dumarka (Siiba kuwa garoobadda ah ee xaafadaha la deggan) isagaa u qaadun ah ragga malafsanaya ee garoob-gaadka ah (Wadaddii guurkana aan heyn) ee fadhi-ku-diririyada tuban, waxaad moodaa in siinkii war-laliska ee Afgooye ugu xiran yahay guryaha reerahu isku qabaan, bal adba sheeg siduu ku ogaaday, Caashadii la soo furaba, ama Xaliimaddii odayga bac-madowda dibada u dhigtaba.

Wuxuu kaloo belo daran oo fara-ku-gubad ah ku yahay, caruura-gaadka iyo saqiiro-suujiska, gabdhaha xafadaha ka dhow-dhawi oo dhan oo da’da Dugisiga sare, college-ka iyo wixii ka sareeya oo dhami dhigta ee Soomalida ahi waa isku sheegeen, markeey meel dheer ka arkaana kiisoo dhankooda u soo gagabayana waxeey isugu digaan (HERE HE IS, THE OLD CRYZ MAN) kolba intuu barafuuno isku soo buufiyo ( Ay ku jiraan kuwo sidii baytari la shiiday u soo uraya ) ayuu ku yiraahdaa markeey meelahaas marayaan, haye abaayo!! Walaal ma xaafadahaan baad gashaa, kuna eegga indho godon oo iyaga qudhooda laga wareysan karo waayaha adduun ooy soo mareene, xageey kaga haraan waa indhihiisii oo isageey ku yaallaane, indhahaas noocaas ah ee iyaguba qatyaanka ka -jooga dhafarka iyo rafaadka, ayuu kolba isugu qabtaa inanamada yar-yar ee dheylada ah, kalama yaqaano haasiwii 70 kii oo ah xiligii uu wiilka yar ahaa iyo kan qarnigan 21 aad!! Wuxuu isu heystaa in uu yahay Clint Eastwood oo shukaansaya Safia Loreine oo yar (kolba luuqado baas ayuu ku dayaa in uu salaanta ku bilaabo) COME SI FA BELA? (SIDEE TAHAY QURUXDAAY?)  iyo HOW DO YOU DO? (ISKA WARAN?) ayaase ugu caansan.

Qaad isaga iskaba dhaaf ma moogaan karo, kaadidaa ku xirmeysa haddaanuu qayilin, kuwa qaadka iibiya oo uu macruufka ka yahayna waxeey kaga dareen liiska macaamiishooda, halka ugu sareysa waana macmiil mudnaan leh, maalintii uu jaadku yaryahay isaga kiisa waa loo dhigaa, hadhoowse qiimuhu waa laba jibaar, isaguna ma waayo lacagta oo si kasta oo uu qaadku qaali u yahay dhankiisa waa bagaato, oo xaguu ka keenaa maba shaqeystee.

SIDI QABAC KADIIJA WARSAME !! XAGEE KALUU KA KEENI LAHAA,  lixda caruur ah oo uu dhalay lacagta dowladdu ugu talagashay  ayuu saddex ka mid ah joogta u qaataa, oo isaga iyo xaaskiisa maskiinadda ahi sidaaseey ku heshiiyeen, heshiiskaasi wuxuu dhacay markii la isku xiiqay xal kalena la waaye waana heshiis aan waligiis waqtigiisu dhicin (UN-EXPIRED AGREMMENT)  weliba abaal beey Daahirada uu qabo sidaa.

Dhan kale DARXUMO beri baa nin saxiibkiis ah oo sidiisoo kale u dhaqma balse in yar dhaama isaga kula taliyey in uu walba Meel jaadka lagu iibiyo furto, kamase dhageysan taladaas, ugu yaraan hadduu maqli lahaa wuxuuba heli lahaa wax dadka loo sheego oo ah waan shaqeystaayoo, jaad baan iibiyaa, tiina alla ma xugmin.

Hoyadii iyo aabbihii mar horeey geeriyoodeen, laakiin xaasas aabbihii ka dhintay iyo rag iyo dumar walaalihiis ah oo iyagana caruuro dhalay ayaa dhulkii hooyo jira oo ku nool,  waligiisna gacantiisu ma gaarin, wuxuu diraba ma hayo, isagana xaas ilaah iyo rasuul taqaan sabarkeeduna badan yahay ayaa eebbe u sahlay mooyee, ma uusan badbaadeen, laakiin DAAHIRA ayaa mar-mar wax u tuurta casabaddasna.

Sidaas ooy dadaaleyso, xaaskiisu kama hesho raaligelin, amaan, qancin,  iyo waxa xaasaska wanaagsani ka helaan ragga xilkasta ah ee ay u dhaxeen, haddii DAAHIRA ay sabarto, hadeey cunno macaan u diyaariyso una daboosho si markii uu  yimaado saqda dhexe isagoo gab-gab leh uu u cuno iyo haddii eey uur yeelato, kalama oga, iyadoo calooshu culus tahay uun buu arkaa, waxaana ugu xigta xaaskii ayaa isbitaalka jirta, intii anuu go’aansan siduu ka yeeli lahaana waxay iskeed uga soo baxdaa isbitaalkii, gurigii beeyna iska timaadaa tiiyoo ilmihii yaraa ooy dhashay oo duuduuban sidata, si kuwii kale oo dayacan ay u daryeesho ileyn Abbe ma heystaane, DARXUMA-na halkaasaa oodini kaga soo boodaa.

Marka aad ugu fiirsato nolosha DARXUMO ma moodid in uu adduun ku nool yahay, waxaad moodaa in uu nolol qiyaali ah dhex dabaalanayo, oo bilaa masuuliyad ah oo bilaa dhib ah oo bilaa dheef ah oo bilaa wax kasta ah, kaligiina ma ahan oo qaar badan oo cinwaanka nin iyo oday iska sita waa hareera jooga, waxeyna ku nool yihiin Darxumo iyo waalkeed cid kale ooy wax u taraan daaye, naftoodeey u go’een iyagase sidaaseey door bideen, mana ahan nolol dhab ahe waase noloshii filimada.

DHAMMAAD.

Waxaa qortay: Amina Mussa Wehelie

By aminawehelie

NOLOSHII FILIMADA: (Qeybta 1-aad) Diiriye iyo Diidan

Image

 

Weey cas tahay weyna ciddiyo dheer tahay, weey caaboon tahay hadana caajis baa meel dhigtay,  maalintii ugu yaraan konton teleefoon beey ka jawaabtaa, ganacsade xoolo dhoofiya oo xilligii xajka  jooga  waa ka mashquul badan tahay, hadana beesateyn kuma soo kordhiso gurigeeda, maskiinkii qabay, mar hore ayeey xashirisay oo meel ku xereysatay, BUTULUC  ma oran karo hadeey xaafadoo dhan rogtana waa sax macaan, warkaagaa jira xabiibti, iyo ma tu kuu dhigantaa nool!! uun buu ku ganuunucaa, haddii runta sheegi lahaana kuma dhacoo lafihiisuu u baqayaa, dumarka jaarkeeda ah oo dhan iyadeey ku sheekeystaan, in kastooy kala figrad yihiinse mid beey ka siman yihiin, waa sideey Diiriyihii qabay uga adagtahay, xan hoose ayeey kula guuxaan, WAA SIXRATAY iyo AALLA SIDUU NINKEEDU UGA BAQO, WAA NAAG NOOL iyo wax la mid ah ayeey ku xantaan.

 

Diiriye, oo adayga  DIIDAN qaba ahi, isagu waa mid miskiin ah, farta hadaad afka u geliso ma calaaliyo, waa nin deggan, debacsan, diin leh, dhaqankuna ku weyn yahay, balse qofkastaa  in dhibtaa hoos taalle, waxaa mixno ku noqotay xaaskiisa DIIDAN, hadal uu yiraahdo waligeed kama daadagin, mar kasta oo uu is yiraado hadal niyada xaaskaaga u dhaadhaca xulana waa ka kala daadataa, waayoo jawaabta ay ka bixineyso ayuu iska sii garanayaaba.

In kastoo yurub ku nool yihiin, in la diyaarsado jawi ninka iyo xaaskiisu isla qataana ay sahlan tahay hadana waligood suuqa ma wada marin iyagoo isla socda, abaal weyn buuna sidaasi ku qabaa, wuxuu ka yaxyaxayaa dhaqankeeda, dharkeeda iyo dhaadhaceeda in ragga ay saxiibka yihiin ee aqyaarta ahi ku ogaadaan, wuxuuna isu heystaa in sidaasi xal tahay, wabeey tahee.

Waligii DIIRIYE  25 sanno ku dhowaad ooy DIIDAN wada joogaan mar qur ah ayuu isku dayey in uu la dabaaqtamo, markaasna wuxuu hoosta ka mehersaday inan yar ooy daris ahaayeen, xafadoodii ugu dambeysay ooy dalkii hooyo ka degganaayeen, oo gaaska feynuusta lagu shito wareejin jirtay si reerkoodu nafci ugu noqoto oo agoon 7 ah ooy iyadu u weyn tahay biilooda uga daydaydo, markaas ayaa ugu horeysay uguna dambeysay in DIIDAN isku taago, wixii xilligaas ka qabsadayna sahal loogama sheekeyn karo.

Iyadoon xasilba u dhalan, show markaas ayeey islaantu qad ka baxa biloowday ka badbadiska ahi Show bilowday,   laakiin  in muruqeedu intuu la egyahay ay tijaabiso, oo DIIRIYE casharo intaas dhaafsiisan tusiso, waxaa la hor-istaagay dagaalladii sokeeye ee dhulkii hooyo ka qarxay, kaasoo cid kastaba dhulka la simay.

Balse waxeey heshay iminka nolol lagu sheegay MID DIMOQRAADI AH, waxey ku nooshahay YURUB, gaari u gaar ah beey wadataa, teleefoon sacado lagu hadaaqi karana waa ugu jiraa guriga, ma jirto oo meelaha kama dhowa sodohdii iyo gabdhihii ninkeeda la dhashay oo xinka meel uu ku saleysan yahay aan la garaneynin uu ka dhaxeeyee, waxeey heysataa meel  aneey ka baqeynin in darisku  sheeda ka qoraansadaan, faraha ku taagtaagaan markeey tiiyoo doco banana oo si ibaxnimo ah ( waa seey iyadu ku taaqee) u labisan.

 

Afarta barjahle daris shisheeye ah ayaa ka saaran, inkastoo haddii la weydiin lahaa dariskaas qalaad ay wax badan ka caban lahaayeen DIIDAN-ta qosolka dhaadheer iyo caruurteeda qeylada badan ee aan sacadaha kor loo hadlo iyo kuwa hoos loo hadlo aan kala garaneynin, inta jeer ooy dacwad geeyeen xaruunta dowladda hoose ee xafadooda, tiro ma leh, welina waa socotaa howshaasi.

Laakiin iyagana mid kalaa ka daahsoon, oo hadeey ogaan lahaayeen in guriga DIIDAN iyada mooyee ay gurboodka iyo odayga reerkuba dhibanayaal ku wada yihiin, oo qabaan dhib kooda ka culus, waxba ma yiraahdeene shibteey ku gaabsan lahaayeen.

Iminka DIIDAN garbaheedu waa waaweyn yihiin, ka dib sanado badan oo cunaqateyn 24 saacadood ah ood han kasta quseysa, hugga, hunguriga iyo haasawaha reerkaba ka dib waxey guri ( APARTEMENT ) ka iibsatay Dubai, kirana waa loogu jiraa, kan ay deggan tahayna oo qaradda shisheeye ku yaalla iyadaa ku qoran, si kastoo darbiyadiisu u fiiqfiiqan yihiina dan kama gasho, balse qolka fadhiga ooy guriiga oo dhan ku leedahay ayeey iska toosisa oo iska tiirisaa, kaa laguma ciyaari karo, waayoo waa halka iyada iyo saaxiibadeed ay ku shiraan, halkeey qorshayaasha dabargoynta DIIRIYE iyo dayacaada caruurtana ay ku dajiso, marka qolkaa yari gogoshiisa waa dhag-dhag, teeda kale dumarka kale tartan beey kula jirtaayoo ma dooneyso in marka la arko fadhigeeda oo kashifan sanqada laga wada hadlo, oo sirtii suuqa u baxdo.

Sidaas ooy tahay DIIDAN saxiibo lillaahi ah ayeey leedahay, waa dumar kale oo kulligood ilbax wada ah (waa sideey isku heystaane) oo raggoodii sida kan diidan qaba oo kale suuxdin dani badan ku wada jiraan, waxaa kooxdaani waagoodu beryaa sideeda fiidnimo, waxaa maskaxdoodu shaqo bilowdaa, tobanka fiidnimo, waxeyna suuqa u yaacaan oo ballamadooda oofsadaan wixii kowda subaxnimo (Saqda dhexe) ka dambeeya, luri ma heyso, oo kulligood gawaari beey ku wada xiimayaan, caruurtoodana ceelna uma qodna cidina uma maqna, odayo warkoodaba daa.

Waa dumar waaweyn oo ma ahan caruuro yaryar oo caruur kale dhalee, waxeey kulligood ku soo dhalmo bilaabeen dhulkii hooyo, caruurtooduna da’walba waa leeyihiin, markeey hooyo toosisa waayeena, badankoodu caruurtu iyagaa isku miciina oo is maamula, qaar fara badan oo caruurtooda siiba curadadooda wiilasha ahi xabisada ayeey ku jiraan.

In kastoo dumarku saaxiibo wanaagsan ( BEST FRIENDS) yihiina ragga qabaa saani suma yaqaanaane, sheeda ayeey marmar iska aqoonsadaan, mid ku dhaca in uu kan kale xasil u wareystana ma leh oo natiijada dambe marka la gaaro,  awood eey wax ku fullin karaan ma jirto go’aanada soo baxa, sidaas darteed iskuma dayaan talaabo dheerarkaas.

Dumarka DIIDAN horjoogaha u tahay waxeey kaloo siisaa casharro ah, sida ninka jeebkiisa loola dagaallamo, si aanuu ugu ilbixin oo tu kale u raadsan, milyan jeer ka badan weey uga sheekeysay wadaayadeeda sidii beri  loola guursaday dhoocil xafadda la degganeyd  iyo sideey u qarxisay qorshahaasi, sida tan iyo maalintaas ka dib DIIRIYE gacan ku gambadka u yahay iyo geesinimada ay muujisay awoodii gurigeedana ku soo ceshahay kuna kororsatay xilli aan cayimneyn.

Laakiin sheekooyinka noocaas oo kale ahi kuma haboona af-qarax ah iyo dhuun qallalane, waxeey dumarku kale soo qataan bacahooda, fariimaha taleefonka la isku dhaafsanayo xilliga kullamadaas loo diyaargaroobayo waxaa ka buuxa oo cidii dhageysataahi ay wax badna maqleysaa, HEBLO BACDII II SOO QAAD, iyo HOREY NOOGU SOO MAR BACDII, cid aan darajadeedu heerkaan gaarin marnaba ma fahmi karto waxaase loola jeedaa, MARDUUFKII QAADKA AHAA IGA SOO MAR HALKII OO HOREY IIGU SOO QAAD!! Waa  Islaamo wada qalin jabiyey, iminka bilahaan dambe alaab kale ayaaba soo korordhay, waa SHIISHAD, in kastoo waligeed eey iska jirtay oo qasataan CARABAHA lagu yiqiinay una badneyd hadda guriyihii baa lala yimid, fuuf-taas-na waa lagu hayaa, kooxda DIIDAN bahashaasi waa ka dambeyaan.

Taleefishanka iyo barnaamijyada ka soo gala in kastoo badankood kuwa qoysaska siiba kuwa caruuraha leh oogu talagay in eey daawadaan ay dhaafan inteey hurdaan, qayilaadii xalayto ka dib hadana waxeey noloshooduba ku saleysan tahay waxeey dawadaan, waxeey maqlaan iyo waxeey maleegaan , mana moodin in ay dunnidan dhibta iyo khatarta badan ku nool yihiin, dumarkani waa wada hooyooyin hadana cinwaankii eebbe ku sharfay waa wada hareermareen, waxeyna ku jirana nolol qiyaali ah, waxeyna ku nool yihiin noloshii filimada.

 La soco Qeybta 2-aad……………………

Waxaa qortay : Amina Muuse Weheliye.

 

 

By aminawehelie

NOLOSHII FILIMADA (Qeybta 1-aad)

Image

            NOLOSHII FILIMADA

DIIRIYE & DIIDAN:

Weey cas tahay weyna ciddiyo dheer tahay, weey caaboon tahay hadana caajis baa meel dhigtay,  maalintii ugu yaraan konton teleefoon beey ka jawaabtaa, ganacsade xoolo dhoofiya oo xilligii xajka  jooga  waa ka mashquul badan tahay, hadana beesateyn kuma soo kordhiso gurigeeda, maskiinkii qabay, mar hore ayeey xashirisay oo meel ku xereysatay, BUTULUC  ma oran karo hadeey xaafadoo dhan rogtana waa sax macaan, warkaagaa jira xabiibti, iyo ma tu kuu dhigantaa nool!! uun buu ku ganuunucaa, haddii runta sheegi lahaana kuma dhacoo lafihiisuu u baqayaa, dumarka jaarkeeda ah oo dhan iyadeey ku sheekeystaan, in kastooy kala figrad yihiinse mid beey ka siman yihiin, waa sideey Diiriyihii qabay uga adagtahay, xan hoose ayeey kula guuxaan, WAA SIXRATAY iyo AALLA SIDUU NINKEEDU UGA BAQO, WAA NAAG NOOL iyo wax la mid ah ayeey ku xantaan.

 

Diiriye, oo adayga  DIIDAN qaba ahi, isagu waa mid miskiin ah, farta hadaad afka u geliso ma calaaliyo, waa nin deggan, debacsan, diin leh, dhaqankuna ku weyn yahay, balse qofkastaa  in dhibtaa hoos taalle, waxaa mixno ku noqotay xaaskiisa DIIDAN, hadal uu yiraahdo waligeed kama daadagin, mar kasta oo uu is yiraado hadal niyada xaaskaaga u dhaadhaca xulana waa ka kala daadataa, waayoo jawaabta ay ka bixineyso ayuu iska sii garanayaaba.

In kastoo yurub ku nool yihiin, in la diyaarsado jawi ninka iyo xaaskiisu isla qataana ay sahlan tahay hadana waligood suuqa ma wada marin iyagoo isla socda, abaal weyn buuna sidaasi ku qabaa, wuxuu ka yaxyaxayaa dhaqankeeda, dharkeeda iyo dhaadhaceeda in ragga ay saxiibka yihiin ee aqyaarta ahi ku ogaadaan, wuxuuna isu heystaa in sidaasi xal tahay, wabeey tahee.

Waligii DIIRIYE  25 sanno ku dhowaad ooy DIIDAN wada joogaan mar qur ah ayuu isku dayey in uu la dabaaqtamo, markaasna wuxuu hoosta ka mehersaday inan yar ooy daris ahaayeen, xafadoodii ugu dambeysay ooy dalkii hooyo ka degganaayeen, oo gaaska feynuusta lagu shito wareejin jirtay si reerkoodu nafci ugu noqoto oo agoon 7 ah ooy iyadu u weyn tahay biilooda uga daydaydo, markaas ayaa ugu horeysay uguna dambeysay in DIIDAN isku taago, wixii xilligaas ka qabsadayna sahal loogama sheekeyn karo.

Iyadoon xasilba u dhalan, show markaas ayeey islaantu qad ka baxa biloowday ka badbadiska ahi Show bilowday,   laakiin  in muruqeedu intuu la egyahay ay tijaabiso, oo DIIRIYE casharo intaas dhaafsiisan tusiso, waxaa la hor-istaagay dagaalladii sokeeye ee dhulkii hooyo ka qarxay, kaasoo cid kastaba dhulka la simay.

Balse waxeey heshay iminka nolol lagu sheegay MID DIMOQRAADI AH, waxey ku nooshahay YURUB, gaari u gaar ah beey wadataa, teleefoon sacado lagu hadaaqi karana waa ugu jiraa guriga, ma jirto oo meelaha kama dhowa sodohdii iyo gabdhihii ninkeeda la dhashay oo xinka meel uu ku saleysan yahay aan la garaneynin uu ka dhaxeeyee, waxeey heysataa meel  aneey ka baqeynin in darisku  sheeda ka qoraansadaan, faraha ku taagtaagaan markeey tiiyoo doco banana oo si ibaxnimo ah ( waa seey iyadu ku taaqee) u labisan.

 

Afarta barjahle daris shisheeye ah ayaa ka saaran, inkastoo haddii la weydiin lahaa dariskaas qalaad ay wax badan ka caban lahaayeen DIIDAN-ta qosolka dhaadheer iyo caruurteeda qeylada badan ee aan sacadaha kor loo hadlo iyo kuwa hoos loo hadlo aan kala garaneynin, inta jeer ooy dacwad geeyeen xaruunta dowladda hoose ee xafadooda, tiro ma leh, welina waa socotaa howshaasi.

Laakiin iyagana mid kalaa ka daahsoon, oo hadeey ogaan lahaayeen in guriga DIIDAN iyada mooyee ay gurboodka iyo odayga reerkuba dhibanayaal ku wada yihiin, oo qabaan dhib kooda ka culus, waxba ma yiraahdeene shibteey ku gaabsan lahaayeen.

Iminka DIIDAN garbaheedu waa waaweyn yihiin, ka dib sanado badan oo cunaqateyn 24 saacadood ah ood han kasta quseysa, hugga, hunguriga iyo haasawaha reerkaba ka dib waxey guri ( APARTEMENT ) ka iibsatay Dubai, kirana waa loogu jiraa, kan ay deggan tahayna oo qaradda shisheeye ku yaalla iyadaa ku qoran, si kastoo darbiyadiisu u fiiqfiiqan yihiina dan kama gasho, balse qolka fadhiga ooy guriiga oo dhan ku leedahay ayeey iska toosisa oo iska tiirisaa, kaa laguma ciyaari karo, waayoo waa halka iyada iyo saaxiibadeed ay ku shiraan, halkeey qorshayaasha dabargoynta DIIRIYE iyo dayacaada caruurtana ay ku dajiso, marka qolkaa yari gogoshiisa waa dhag-dhag, teeda kale dumarka kale tartan beey kula jirtaayoo ma dooneyso in marka la arko fadhigeeda oo kashifan sanqada laga wada hadlo, oo sirtii suuqa u baxdo.

Sidaas ooy tahay DIIDAN saxiibo lillaahi ah ayeey leedahay, waa dumar kale oo kulligood ilbax wada ah (waa sideey isku heystaane) oo raggoodii sida kan diidan qaba oo kale suuxdin dani badan ku wada jiraan, waxaa kooxdaani waagoodu beryaa sideeda fiidnimo, waxaa maskaxdoodu shaqo bilowdaa, tobanka fiidnimo, waxeyna suuqa u yaacaan oo ballamadooda oofsadaan wixii kowda subaxnimo (Saqda dhexe) ka dambeeya, luri ma heyso, oo kulligood gawaari beey ku wada xiimayaan, caruurtoodana ceelna uma qodna cidina uma maqna, odayo warkoodaba daa.

Waa dumar waaweyn oo ma ahan caruuro yaryar oo caruur kale dhalee, waxeey kulligood ku soo dhalmo bilaabeen dhulkii hooyo, caruurtooduna da’walba waa leeyihiin, markeey hooyo toosisa waayeena, badankoodu caruurtu iyagaa isku miciina oo is maamula, qaar fara badan oo caruurtooda siiba curadadooda wiilasha ahi xabisada ayeey ku jiraan.

In kastoo dumarku saaxiibo wanaagsan ( BEST FRIENDS) yihiina ragga qabaa saani suma yaqaanaane, sheeda ayeey marmar iska aqoonsadaan, mid ku dhaca in uu kan kale xasil u wareystana ma leh oo natiijada dambe marka la gaaro,  awood eey wax ku fullin karaan ma jirto go’aanada soo baxa, sidaas darteed iskuma dayaan talaabo dheerarkaas.

Dumarka DIIDAN horjoogaha u tahay waxeey kaloo siisaa casharro ah, sida ninka jeebkiisa loola dagaallamo, si aanuu ugu ilbixin oo tu kale u raadsan, milyan jeer ka badan weey uga sheekeysay wadaayadeeda sidii beri  loola guursaday dhoocil xafadda la degganeyd  iyo sideey u qarxisay qorshahaasi, sida tan iyo maalintaas ka dib DIIRIYE gacan ku gambadka u yahay iyo geesinimada ay muujisay awoodii gurigeedana ku soo ceshahay kuna kororsatay xilli aan cayimneyn.

Laakiin sheekooyinka noocaas oo kale ahi kuma haboona af-qarax ah iyo dhuun qallalane, waxeey dumarku kale soo qataan bacahooda, fariimaha taleefonka la isku dhaafsanayo xilliga kullamadaas loo diyaargaroobayo waxaa ka buuxa oo cidii dhageysataahi ay wax badna maqleysaa, HEBLO BACDII II SOO QAAD, iyo HOREY NOOGU SOO MAR BACDII, cid aan darajadeedu heerkaan gaarin marnaba ma fahmi karto waxaase loola jeedaa, MARDUUFKII QAADKA AHAA IGA SOO MAR HALKII OO HOREY IIGU SOO QAAD!! Waa  Islaamo wada qalin jabiyey, iminka bilahaan dambe alaab kale ayaaba soo korordhay, waa SHIISHAD, in kastoo waligeed eey iska jirtay oo qasataan CARABAHA lagu yiqiinay una badneyd hadda guriyihii baa lala yimid, fuuf-taas-na waa lagu hayaa, kooxda DIIDAN bahashaasi waa ka dambeyaan.

Taleefishanka iyo barnaamijyada ka soo gala in kastoo badankood kuwa qoysaska siiba kuwa caruuraha leh oogu talagay in eey daawadaan ay dhaafan inteey hurdaan, qayilaadii xalayto ka dib hadana waxeey noloshooduba ku saleysan tahay waxeey dawadaan, waxeey maqlaan iyo waxeey maleegaan , mana moodin in ay dunnidan dhibta iyo khatarta badan ku nool yihiin, dumarkani waa wada hooyooyin hadana cinwaankii eebbe ku sharfay waa wada hareermareen, waxeyna ku jirana nolol qiyaali ah, waxeyna ku nool yihiin noloshii filimada.

 

Waxaa qortay : Amina Muuse Weheliye.

 

 

By aminawehelie

Golaha Ammaanka Q.M. oo Shaaciyey in Weerarada Argagixisada Soomaaliya aysan hakad Gelin doonin dadaallada nabadeynta dalka Soomaaliya.

Originally posted on Somali News Politics Documentaries Music Videos Intertainment:

Golaha Amaanka QMGolaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegey in ay ka go’antahay taageeridda dadaallada nabadaynta iyo dib u dhiska Soomaaliya ayagoo dhanka kalena ay sheegtay in  weerarada argagixiso ee ay geysanayaan kooxda Al-shabaab aysan qalqal gelin doonin dadaallada ka socda dalka Soomaaliya.

View original 164 more words

By aminawehelie

Sanadguuradda 3aad ee Ololaha Nabadda Soomaliya (Ololaha Hangasha) oo soo dhow

White Veil

Waxey ahayd 1-dii Agosto sanadkii 2010-kii markii uu bilowday Ololaha  nabadda ee loogu magac daran OLOLAHA HANGASHA (WHITE VEIL SOMALI PEACE CAMPAIGN), tan iyo xilligaas wax badan ayaa qabsoomay kana soo hagaagay dhinac nabadgelyada gudaha dalka, wax badanna waa dhimman yihiin.

Ujeedada Ololaha oo ah in dadku ku baraarugaan, xasuusnaadaan, yaqiinsadaan in nabadgeliyadu muhiim ah, cid gaar ah oo laga sugayaana aneey jirin, ayaa iminka waxaa uu galayaa ololahu wajigiisa labaad oo ah in uu wax weyn ka qabto dhinacyo badan oo uu howlwadeenada ololahu u arkeen in eey lagama maarmaan yihiin.

1-da Agoust 2013ka oo malin qur ahi ka hartay ayaa xaruunta dhexe ee ololaha Hangashu soo saari doontaa war saxaafadeed ku aadan, talabada xigta ee saddex sanno ka dib uu qaadayo ololuhu iyo goolka uu hiigsanayo oo doonayo in uu soo hoyo.

Ballanteenu waa 1-da Agoust, malinta Khamiista ah ee soo socota.

Amina Mussa Wehelie

Director/founder of White Veil Somali Peace Campaign.

Luton, BEDS.UK

By aminawehelie

Suxufiga Qaranka

Image

Markii xaaladaha wadanka ka jira keeneen, in qof kastaaba uu xayndaabkiisa dhaafi kari waayo, kuna ekaado degaanka uu u dhashay ama ka dhashay, naf iyo nololi-na ay baday in uu dhex jooqaaqo jufadiisa oo kali ah, cid kalena tahli kari waayo in uu dhex galo, la noolaado, la dhaqmo,  waxeey keentay in aqoontii guud ee bulshada laga dhex baran lahaa soo gaabato soona uruurto.

Intaasi markeey dhacdo fursada aad wax lagu baran karaa waa iska yar tahay, iskuulna haddii uu jiraba waxaad ka barataaba waa wixii manhaj laagaga dhigay, waxaana marqaati ka nahay in xitaa kala qoqobka bulsho ee kala shakiga iyo amaan-xumadu keentay  ay sababtay in manhajka  skuulada eey qolaba inta meel la fariisatay waxeey doonto ku qoratay, Qaramada Midoobey oon iyana dhihin maxaa la qoraayana ay lacago ku shubtay, heyadahaan ooy dad ajnabi ah maamulaan iyaguna qudhoodu shaqo doon ah oo aan ehel u ahayn dadkaan Soomaliyeed ee caruurtooda lagu shubayo waxaan habooneyn,  sidaasna caruurteenii looga dhigo tariikho qaldan oon jirin oo gacan ku rimis ah, cuqdad iyo ciqdina ka buuxo, lagana been abuurtay iyo kaba sii darane kuwo shisheeye oo la soo minguuriyey lagana soo daabulay wadamo aanan dhaqan wadaagin, xitaa hadaan diin wadaaagno.

Waxbarashada tii guriga oo ah, waxa soo harayna waxaa hareeyey tan aan kor ku soo sheegay, badnaa guryaheenu dal iyo dibadba waa maran yihiin, labadii waalidna ma wada joogaan, badanaa aabbe ma joogo, ama dagaal buu ka qeybqaadanayaa, ama jaad buu walanbooyinka iyo waddooyinka  ku  ruugayaa, amaba waaba la dilay oo akhiruu u hoyaaday, hooyo nafi heyso ayaa soo hartay oo wajib madaxeeda ka weyn qoorta loo suray, kii aabbe iyo kii hooyaba, raashinkii caruurtana day-dayeeysa, halkaasna waxaa kugu deysay tarbiyadii habooneyd ee ay ahayd in aabbe iyo hooyo iska kaashadaan iyo aqoontii suubaneyd qeybtii guriga laga baranayey.

Dhanka kale muddada qalalaasaha oo nagu fogaaday darteed, waxey keentay in xitaa walidiintii dhalay caruurta hadda hana qaadka ahi qudhoodu aneey wax badan dhaamin ubadkooda oo iyaguna ay la galeen seeraha oodan.

Lama dafiri karo oo bulsho, waa la ogyahay in eey tahay beelo isku tagay, beelana waa la ogyahay in eey yihiin jufooyin isku tagay, jufooyinna waa la ogyahay in eey yihiin lafo isku tagay, lafana waa odayo isku tagay, oday marka laga gubana waxaa soo baxaya baho ina hebel-hebel ah, laakiin si aad u noqoto qof ka dhisan aqliga iyo aqoontaba waxaad u baahan tahay in aad wax la wadaagto, dhex gasho, la dhaqanto, wax ka barato, dad aan jufadaada ama qabiilkaaga oo qur ah ahayn, sidaa ayaad ku noqon kartaa qof diyaarsan oo wajihi kara bulsha weynta kale ee aduunka, waxna la qeybsan kara.

Laakiin aqoonta aad ka dhaxli kartaahi waa maxay beeshada oo kali ah oo aad  ku dhex noolaato? Sidee ku suurtagaleysaa sababteey doontaba ha ku timaadee in aad yeelato aqoon guud oo kaa gargaarta in aad garato, wax ka ogaato, barato, bey’adda guud ee aad ku nooshahay, dadkaaga guud dhaqankooda, dhulkooda, degmooyinkooda, tuulooyinkooda, wabiyadooda, badahooda, cuntadooda, fantasyahooda, ciyaarahooda IWM haddii aad ku koobnaato uun in yaroo aad ka dhalatay dhexood, wax aad maqaashana ay tahay, guulaha reerkiinu iska sheegtaan in eey gareen run iyo beenna aan la ogeyn, wax aad ku cadeyn kartaana aneey jirin, godobta reerkiina iska tirsadaan run iyo been waxey tahayna aadan war u heyn, gob-nimada (Nasabnimo) reerkiinu iska sheegto in eey dadka dheer yihiin, adigoon ogeyn sababta ay jufadiinu gob ama nasab ku noqotay  kuwa kalena ku noqon waayeen, cidda shahaadadaas siisay, dhanka kale, gunnimada reerkiinu ku sheego reer kale oo dadoow, diir, diin iyo afna aad wadaagtaan, adigoon cadeyn u heyn sababteey gun ku noqdeen, liisku waa iska soconayaa hadaan isku dayo in aan taxana haleeli kari maayo, fara badnidiisa darteed.

Waxaase wax badan is weydiin mudan,  yaan u kala oodannahay? yaa inagu wareejey seeraha aan kii xoolaha iyo beeraha waxba dhaamin, halkeese inooga xiran yahay oo laga xukumaa?

Maskaxda biniaadamku waa meesha kali ah oo go’aamadda u gaadha jirka intiisa kale, culimada sayninkuna waxeey cadeeyaan in jirka intiisa kale uu waxba ma taraan yahay haddii maskaxda lagaa qabsado, kolkaasoo ay imaaneyso in waaxyaha kale ee jirka shaqadaba ka fariistaan, taasina ay keento in aad adigoo cafimaad qaba, caqli qaba, cudud qaba hadana ay cid kale ku maamusho hebedna aad noqoto adoon is weydiin karin maxaa hebed kaa dhigay? amaba aadan kala garan karin sax iyo qalad.

Intaas oo faahfaahin ah oo hordhac aan ka dhigay waxaan ula jeedaa, in maskax-maroorka nagu dhacay uu salka ku hayo in aan isku dhiibnay dad aan u heysano in aanu ehel iyo gacal nahay, laakiin runta marka laga hadlo aan wax horuumar ah oo ay noo horseedayaan jirin, jirina doonin, balse nagu daneysanahay, nagu meel gaaraya,  mustaqbalkeena iyo kan ubadkeenana aan u tureynin laakiin si eey ku gaaraan himilo iyaga u sar-go’an darteed inaga iyo caruurteena ka dhiganaya jaran-jaro (Sallaan) ay fuulaan, si baahidooda gaarka ahi u daboolanto, casharada qabyaaladdana inoo meerinaya.

Waxaa beryahaan soo baxday eedeyn badan oo loo soo jeediyo saxaafadda, sida aan horey qormooyin badan iyo muxaadarooyin badan aan ku sheegey misna la  ogyahay saxaafaddu waa awoodda afaraad ee adduunka oo dhan, laakiin suxufiyiinta lagu dhiban yahay iyagana dhibani, kama duwana bulshada inteeda kale oo waxaan kor ku soo xusay ayaa wada heysta, seerahaas bulshadu ku jirto oo ku garbaduuban tahay ayeeyna ku jiraan.

Tusaale hadaan soo qaato, xilligii aan gudanayey shaqadeyda saxaafadeed ee aan mudada dheer ku jiro waqti ka mid ah,  ayaa si eey ku timidba ma xasuustee, waxaa qof wariye sare ahi si lama filaan ah u yiri: Magacyada Soomalidu u bixisay, degmooyinka iyo magaalooyinka qaarkood waa in wax laga bedelaa?? intii kale ee meesha fadhiday oon si fiican u fahmin qofka ujeedkiisa ayaa yiri: “Oo maxay? maxaad ula jeedaa?” suxufigii ayaa ku jawaabay: “Waxaan ula jeedaa, bal eeg: Dhuusa-mareeb ma magac baa? waxaase oo kale waa in la badelaa” inteenii kale oo qofba gaarkii hoosta uga fekerayey siina diyaarsanayey wuxuu qofkan ugu jawaabi lahaa, ayaa ku kale soo booday oo yiri: “Alla iyo ISKU-SHUBAN, kaasna xitaa waa in la badalaa!” halkii wax kale nalaga filaayey ayaanu qosol ka wareegnay inteena kale, qosolkaasi ma ahan in aan la dhacsannahay dadkaasi maan-gaabnidooda, laakiin koleey qof kasta tiisuu ka hadli karaahe aniga waxaan ka xumaaday sida labadaan qofi  u fekereen, Dhuusa-mareeb iyo Is-ku-shuban ooy ku doodayaan in magaca laga badelo, waxaan hubaa in aanuu magac-bixintaasi ciyaar ku imaanin, dadbaa ula baxay, sabab baaneey ula baxeen, waana loo bixiyey waana loo yaqaan, tariikh iyo taxane nololeed ayuuna wataa magac kasta oo meel, degmo, tuulo, magaalo, iyo gobolka loo bixiyo, waxaan kale oon hubaa in  sida ay labadaan qofi  ka dhigayaan magacyada labadaas degaan ee Soomaliyeed  aaneey xitaa ku fasirmeynin, laakiin  waji-gabaxaas oo kale wuxuu kugu imaan karaa laba jeerba, waa mid oo in aadan  ixtiraam u hayanin dhaqamada dadkaaga, magalooyinkoodana aadan xitaa kala garaneynin, ama aad is yeelyeeleyso adigoo ujeedo kale leh oo wax kale calooshu kaaga guntan tahay, waa tan labaade in aad tahay qolyihii  nasiib xumadu haleeshay een kor ku soo sheegay ee seeraha lagu kala ooday, waqti iyo tabarna u waayey in aay aqoon-guud kororsadaan, in eey dadkooda dhex galaan, oo Soomaalida oo dhan bartaan, misna sidaasi aad ku noqday qof aan dhisneyn, bisleyn, kobocsaneyn.

Hadda oo aanu ku jirno waqti qofkii wax qori karaaba uu si sahlan ku noqday SUXUFI, saxaafadiina noqotay shaqada aan la iska baahneyn aqoon, araaji, hey’ad lala xiriiro oo lagaga tashado, maxaad ka fileysaa  suxufiyiinteena da’da yari? ee naftu heyso cid tababaro u furtana aan heysan, badankoodna calafka iyo nasiibku ku soo beegay in eey jufooyinkooda  ku dhex noolaadaan, qabyaaladana quud looga dhigay, oo waayey fursado ay wax ku bartaan kuna kala gartaan wax la gudboon iyo xilka ay ummada u hayaan inta uu la egyahay, cidda eey suxufi u yihiin in aneey ahayn oo qur ah reerkooda laakiin ay yihiin Soomalida oo dhan si markaasna ay uga soo gudbaan afrikaanka oo dhan hadana u sii dallacaan aduunka oo dhan, helina kari waayey fursad ay ku kala gartaan in jufa-jufeysiga lagu soo barbaariyey anuu ahayn wax meel geyn kara, SUXUFI QARANNA ka dhigi kara, qaabkaasi, kaama dhigi kara qof xirfad dhisan leh, oo aqoontiisu buuxdo, laakiin ay tahay shirqool loo dhigay isaga (Wiilka suxufiga ah)  ama iyada (Gabadha suxufiga ah) laguna daneysanayo, isla markaasna ah wax aan sii jiri doonin, oo kolba soo geba-geboobaya, siyaasiga, odayga, iyo dagaal oogaha maanta ugu baaqaya in uu isaga u jufa-jufeeyo, uu yahay dambiile qaran oo ka faaideysatay aqoondaradiisa/daradeeda, sidaasna aan lagu noqon karin SUXUFIGA QARANKA.

SUXUFIGA QARANKU waa mid ka tarjuma magaca uu hagoogan yahay, qaran qabiil ka badane, SUXUFIGA QARANKU waa mid aan loo yeerin wax uu qorayo ama ka shaqeynayo barnaamijka uu soo saarayo oo Taleefishanka ama radiyaha ka sii deynayana ay tahay in uu isagu maskaxdiisa maalo laakiin anuu cidna u daba fariisan, oo noqdo soo saare dhab ah, SUXUFIGA QARANKU waa mid isaga wax laga barto, dadkana hor taga isagoo aqoontiisu dhisan tahay intii la doono, SUXUFIGA QARANKU waa mid kala garanaya gobolkada iyo degmooyinka dalkiisa una kala hiilin markuu wararkooda gudbinayo, SUXUFIGA QARANKU waa mid aan u xilay laaluush yar oo can-buuxis ah ceebina daba taal, SUXUFIGA QARANKU waa SUXUFIGA  QARANKA.

Waxaa Qortay:

Amina Mussa Wehelie

 
By aminawehelie