http://www.timesofmalta.com/articles/view/20130616/local/20-migrants-brought-to-malta.474060
Muqaalkani waa Axadii 16kii June 2013kii markii tahriibayaal 95 qof ahi oo ay u gurmadeen ciidamadda xeebaha ee wadanka talyaanigu, geeyeen kuma dajinayaan jasiiradda Pampaduse, ee Talyaaniga.
Uploader: Amina Wehelie, a Journalist, Luton, Beds, UK
Credit of the vedio: Erientinet TV & Italiyan Jornalist Salvatore Tuccio
Muqaalkani waa habeenimadii Sabti-da 15 kii June, waxaa diyaarad ay leeyihiin ciidanka badda ee Malta oo dusha ka ilaalisa xeebaha jaxiiradaasi ay u qeyladhaan dhirtay ilaalahada xeebaha Talyaaniga kuna war gelisay in ay dooni ay saran yihiin tahriibayaal ku dhow dahay dalkooda, si eey ugu gurmadaan, muqaalkani waa kii laga duumay xilligii howlahaasi socdeen.
Amina Mussa Wehelie
a Journalist in Luton, Beds, UK
Nin askari ah oo ka mid ahaa afar qof oo nin Somali ahi midi ku dhaawacay, dhowaan ayaa sheegay in uu geeriyoon lahaa, hadaaneey muslimiinta masaajidka ku dukaneysay u gargaareen.
PC Adam Koch iyo sadex qof oo kale ayaa waxaa midi ku weeraray meel masaajid dhexdiis ah, nin dhalashadiisu tahay Soomali, shilkan oo ka dhacay Washwood Heath Road in Ward End ee casimada labaad ee wadanka Ingriiska ee Bermingham,.
PC Koch oo isagu midida la geliyey dhowr jeer hadana dhaqaatiirtu qaliin ku sameeyeen, ayaa sheegay in ninku la damacsanaa in uu sii midiyeeyo, balse ay dadkii kale ee masjidka ku dukanayey ka qabteen goor hore, wuxuu intaasi u daran hadaaney dhici lahayn taasi in ay u badneyn in uu dhinto.
Sedex qof oo kale oo iyana uu dhaawacay ninka midida sitay ayaa isbitaalka lagu daweynayaa.
Shilkani wuxuu dhacay habeenimadii Sabtidii, hase yeeshee booliska arintaan ku howlan ayaa sheegay in anuu dambiga dhacay ahayn mid la xiriira naceyb (Hate Crime), welise waxaa socda baritaan.
Marqatiyaal ayaa u sheegay booliska in ay maqleen wax yar ka hor marka ninku bilaabay weerar-midiyeedka, muran iyo qaylo ka aloosan gudaha masjidka, taasoo ay ku timaameen in eey ula muuqatay in ay ku saabsan tahay qaab maamulka masjidka.
barayaasha ayaa sheegaya in ninka dhibka geystay lagu wado baritaan dhinaca dhimirka ah.
Prepered by: Amina Mussa Wehelie, a Journalist in Luton, Beds, UK
photo Credit: BBC NEWS.
Isu geynta 1,200 oo qof oo tahriibayaal ah ayaa doomo ku gaaray xeebaha talyaaniga, halka qaar la socddayna ay badda ku harqadeen intii ay safarka ku sii jireen.
Dadkaan ayaa ka ambabaxay xeebaha Liibiya, weli ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka dhintay, waxaase baadigoob ku haya saraakiisha xeebaha ee Talyaaniga.
Shalayto ayeey ahayd markii xeebaha jasiirada Lampaduse ay gaareen 95 qof oo dhalashadoodu kala duwan tahay, kuna jiraan caruur aad u yar-yar iyo haween, halka xeebaha Malta ay iyana gaareen 23 qof oo doon qur ah laga dul helay, oo kulligood Soomali ah isuguna jira 20 rag ah iyo 3 haween ah oo midi xaamilo tahay.
Maanta ayaa sidoo kale waxaa mar kale gaaray 17 qof xeebaha Malta, kuligoodna waxaa gacanta ku haya heyadaha jasiiradaas ee u xilsaaran dadka soogalootiga ah.
Prepared by: Amina Muuse Weheliye, a Journalist in, Luton, Beds,UK
News source Credit : Salvatore Tuccio, a journalist in Linosa, Sicilia, Italy
News Photo Credit: Times of Malta
Time: 15:50 pm, 17 June, 2013